Wararkaβ€’

Muqdisho, Agoosto 12, 2024 , Hay’adaha u xilsaaran Dib-u-eegista Dastuurka ee kala ah Guddiga Madaxabannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka, Guddiga Lasocodka Dastuurka ee Baarlamaanka iyo Wasaaradda Cadaaladda iyo Arr. Dastuurka, ayaa si wadajir ah u daahfuray Shirka Latashiga Ururada Bulshadda Rayadka ah ee ku saabsan diyaarinta Wax-kabeddelka Cutubyada 5aad – 9aad ee Dastuurka.
Ururada Bulshadda Rayadka Soomaaliyeed ayaa intii shirku socday si fiican ugu dooday soojeedinta wax-kabedelka cutubyada 5aad-9aad. Sidoo kale Ururada Bulshadda Rayadka ayaa soo bandhigay aragtiyo, talo wax-ku-ool ah iyo su’aalaho khuuseeya cutubyadaasi.
Shirka wajiga labaad latashiyada ayaa galay maalintiis 5aad ayadoo uu sii socon doona shirka la-tashiga qeybaha kala duwan ee bulshada, ujeeddada kulamadaan ayaa ah in bulshada Soomaaliyeed laga qaybgaliyo geeddi-socodka dib-u- eegista dastuurka.

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close Search Window