Geedi Socodka Dastuurka...

Dastuurka Soomaaliya waxaa uu soo maray marxalado kala duwan -laga soo bilaabo 2012 oo qabyo qoraal dastuur ah lagu heshiiyay.

Dardargeliyaan dhamaystirka iyo qabyo-tirka Dastuurka KMG ah

Wajigii 1aad ee Geeddi Socodka Dib-u-Eegista Dastuurka

Barlamaankii 9aad ayaa waxaa uu dhisay 5-tii Janaayo 2013 Guddiga La Socodka Dib-u- eegidda Dastuurka ee BFS oo ka koobna:

  1. Xildh. Maryam Cariif Qaasim
  2. Xildh. Maxamed Cabdi Yuusuf
  3. Xildh. Ibraahim Saalax Dayfallah
  4. Xildh. Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil
  5. Xildh. Biibi Khaliif Maxamed
  6. Xildh. Yacquub Cali Maxamed
  7. Xildh. Yaasiin Cabdi Sed
  8. Xildh. Fawziya X. Aadam Yuusuf
  9. Xildh. Bashiir Caddow Calasow
  10. Xildh. Axmed Mayow Cabdulle 

Sidoo kale, 3dii Luuliyo 2013 Barlamaankii FS wuxuu ansixiyey Sharci Lr.27 ee lagu dhisay Guddiga Madaxa Bannaan ee Dib-u-eegidda iyo Hirgelinta Dastuurka. Si waafqsan Dastuurka iyo Sharci Lr. 27 waxaa la dhisay bishii Juun 2014 Guddiga Madaxabannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka oo ka koobnaa xubnood oo kala ah:

  1. Marwo Caasho Geelle Diiriye.
  2. Prof. Dr. Xasan Cumar Mahadalle.
  3. Avv. Maxamed Cabdalla Saalax.
  4. Avv. Xasan Xuseen Xaaji
  5. Cusmaan Jaamac Cali (Kalluun)

Bishii Maarso 2015, Hay’adaha Dastuurka ee Wasaaradda Arrimaha Dastuurka, Guddiga La Socodka ee BFS iyo Guddiga Madaxabannaan ee Dib u eegista iyo Hirgelinta Dastuurk ayaa gaarey heshiis isfaham oo qeexaya qeybinta shaqada, waajibaadka iyo iskaashiga saddexda hay’adood.

Waxaa is casishay bishii Maajo 2015 Caasho Geelle Diiriye, guddoomiyihii Guddiga Madaxabannaan ee Dib u eegista iyo Hirgelinta Dastuurka, kow iyo toban bilood kaddib markii uu guddigu hawl bilaabay, sababta ugu weynna waxay ahayd guddiga oo laga curyaamiyey agabkii uu ku shaqayn lahaa (xafiis iyo qalab xafiiseed, shaqaale, gaadiid, iwm). Muddo ka dib waxaan booskii bannaanaaday loo magacaabay Dr Maxamed Daahir Afrax oo Baarlamaanku ansixiyeen 14 Nofenber 2015. Waxaa sidoo kale sannadkii 2017 la magacaabay Marwo Muumino Sh. Cumar Shaacir oo buuxisay booskii Xasan Xuseen Xaaji oo ka mid noqday Golihii wasiirada ee XFS bishii Maarso 2017.

Baarlamaankii 9aad ayaa Bishii Luulyo 2015 ansixiyay qaraar jiheynaya hannaanka dib u eegidda dastuurka. Sidoo kale, Baarlamaankii 9aad ayaa waxaa uu wax-ka-baddel ku sameeyey qodobo ka mid ah Dastuurka KMG ah oo kala ah Qod. 60aad, Qod. 67-aad, Qod. 136, iyo Qod. 138aad Dastuurka KMG. 

Xilligii 1aad ee Baarlamaankii 9aad waxay labada guddi dib u-eegis ku sameeyeen dhammaan 15-ka Cutub ee Dastuurka. Dib-u-eegiddaas oo isugu jirtay wax ka beddel, ku kordhin, dhimid iyo toosin siiqada iyo luqadda qoraalka Dastuurka, waxaa sidoo kale la isku biiriyay cutubyada iskaga midka ah xagga axkaamka sida cutubyada 5aad iyo 12aad ee Dastuurka. Waxaa saldhig u ahaa dib-u-eegidda Dastuurka ee labada guddi daraasado ay ku sameeyeen Dastuurada 27 dal oo ka mid dalalka dunida ee ku dhaqma nidaamka federaalka. Sidoo kale, guddiyadu waxay soo saareen warbixin wadata xulashooyin oo ku saabsan hannaanka dowladnimada, waxaana loo gudbiyey Baarlamaankii 9aad.  Xulushooyinkaas waxaa kamid ah:

Xulashada 1aad waxay soo bandhigaysaa Barlamaan Fedraal oo ka kooban hal Gole, Madaxweyne ah madaxa Dawladda iyo madaxa Xukuumadda ee uu Barlamaanka soo doorto, iyo Nidaam Maxakamadeed oo Mideysan.

Xulashada 2aad waxaa ay tilmaamaysaa Barlamaan Federal oo laba Gole leh oo noqanaya Golaha Shacabka iyo Golaha Odayada, Madaxweyne ah Madaxa Dawladda iyo Ra’iisul-wasaare uu Barlamaanka soo doorto ahna Madaxa Xukuumadda iyo Nidaam Garsoor oo isku-dhaf ah.

Xulshada 3aad waxay dhigaysaa Baarlamaan Federaal ah oo ka kooban labo gole oo kala ah golaha shacabka iyo golaha ergada dowlad goboleedyada, Madaxweyne ah Madaxa dowladda iyo madaxa xukuumadda oo ay shacabku si toos ah u soo dooranayaan iyo Nidaamka Maxkamadaha isbar-bar socda ama nidaamka garsoorka baahsan.

 

Wajiga 2aad ee Geedi socdka Dastuurka KMG ah

Doorashadii Xubnaha Guddiga La-socodka

Waxaa la doortay 10 ilaa 19 Apriil 2017 xubnaha Guddiga La-socodka Dib- u- eegidda iyo Hiregelinta Dastuurka ee Baarlamaanka 10aad kuwaas oo ka kooban labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Iyagoo ka amba qaadaya Qodobka 133(3) ee Dastuurka KMG ah iyo Qodobbada 58(2) & (3) iyo 81aad ee Xeer-hoosaadyada labada Aqal oo qeexaya doorashada Guddoonka Guddiyada, Xubnaha Guddigu kulankiisii saddexaad oo uu ku yeeshay xarunta Villa Hargeysa taariikhdu markey aheyd Agoosto 7, 2017 waxay ku doorteen Guddoonka Guddiga.

Waxaa doorashada guddoonka goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka BFS, Guddoomiyaha a Aqalka Sare BFS iyo Wasiir-Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka.

Magacyada Xubnaha labada aqal oo kala ah:

Guddiga La socodka ee BFS ee Xilliga labaad wuxuu ka koobanyahay 16 oo kala ah:

Xubnaha Aqalka Sare

  1. Sanatar Cabdi Xasan Cawaale
  2. Sanatar Xuseen Sheekh Maxamuud
  3. Sanatar Cabdullaahi Shiikh Ismaaciil Fartaag
  4. Sanatar Iftin Xasan Baasto
  5. Sanator Cabdikarim Maxamed Xasan

Xubanaha Golaha Shacabka

  1. Xildhibaan Burhaan Aadan Cumar
  2. Xildhibaan Cismaan Xaaji Cali
  3. Xildhibaam Maxamed Cabdillahi Kaamil
  4. Xildhibaan Siciid Maxamed Xayd
  5. Xildhibaan Sayid Cali Cabdulkaadir

Wuxuu baddelay Xil. Cabdirashiid Maxamed Xasan oo kamid noqday Golaha Wasiirada Xukuumada Federaaka Soomaaliya.

Wuxuu baddelay ilaahay ha u naxariistee Xildhibaan Axmed Mayow Cabdille( Col. Ruush) ilaahay ha u naxariistee oo ah xubin muhiim ah dib-u-eegista Dastuurka labada xilliba.

Ergada Dawlad-goboleedyada:

  1. Maxamed Cali Yuusuf (Gaagaab)
  2. Abukaate Maxamuud Axmed Xasan
  3. Mustaf Maxamed Maxamuud
  4. Maxamed Maxamuud Goodir
  5. Sacdiyo Cumar Sheegow
  6. Sucaad Xaaji
Close Search Window