Mas’uuliyadda iyo Waajibaadka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka

1. In ay fududeyso abuurista xaalado iyo jawi suuragelinaya hirgelinta meelmarka iyo hannaan hufan oo la xiriira geedi socodka dib-u-eegista iyo hirgelinta Dastuurka, taas oo ku imaaneysa:

a). Fududeynta wadaxaajoodka siyaasadeed ee u dhaxeeya dawladda Federaalka Soomaaliya iyo dawladaha xubnaha ka ah Dawladda Federaalka ee ku saabsan arrimaha qoondaynta awoodaha ay kala leeyihiin dawladda federaalka iyo dawladaha xubnaha ka ah JFS, wadaagga khayraadka iyo dakhliga, maqaamka caasimadda, amniga, nidaamka garsoorka dalka IWM.
b). Fududeynta, ka qaybqaadashada latashiyada iyo wacyigelinta dadweynaha ee ku saabsan hawsha dib u eegista iyo Hirgelinta Dastuurka lagala yeelanayo Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, Maamuladda kale ee hoos yimaada Dowladda Federaalka, ururadda siyaasadda, bulshada rayidka, Haweenka, Dhallinyarada iyo guud ahaanba shacabka Soomaaliyeed si loo abuuro jawi daah furan, loo wada dhanyahay oo la xiriira geeddi socodka Dib-u-Eegista Dastuurka iyadoo lala kaashanayo Guddiga Dib-u-Eegista iyo La socodka Dastuurka ee Baarlamaanka iyo Guddiga Madaxabanaan ee Dib- u- Eegista iyo Hirgelinta Dastuurka.
c). Fududaynta iyo qorsheynta maalgelinta lagu fulinayo hawlaha geedi socodka dastuurka oo laga soo uruurinayo dawladda Federaalka, Dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka iyo deeq bixiyaasha Caalamiga ah iyadoo lala tashanayo Guddiga Dib-u-Eegista iyo La socodka Dastuurka ee Baarlamaanka iyo Guddiga Madaxa Bannaan.,
d). Waxay si madaxbanaan u qorsheenaysaa una maamulaysaa miisaaniyadda Wasaaradda Arrimaha Dastuurka, iyadoo la dhowrayo shuruucda Maamulka Maaliyadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
e). Ka qayb qaadashada abaabulka, uruurinta dhaqaale iyo diyaarinta farsamada looga baahan yahay si loo suurtogeliyo in howsha dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurku noqoto mid si dhammaystiran u qabsoonta, iyadoo lala kaashanayo Guddiga Dib-u-Eegista iyo La socodka Dastuurka ee Baarlamaanka iyo Guddiga Madaxa Bannaan.
f). Xoojinta isku duwidda hay’adaha xiriirka la leh geedi socodka dib-u-eegidda Dastuurka iyo Isku dubaridka dhammaan hawlaha maamul ee fududeynaya habsami u gudashada hawlaha inta lagu guda jiro geedi socodka dib-u-Eegista iyo hirgelinta Dastuurka iyadoo lala kaashanayo labada Guddi ee Dib-u-Eegista Dastuurka.
g). Kor u qaadidda iyo abuuridda jawi suuragelinaya wada shaqeyn iyo is garabsi dhex mara hay’adaha muhiiimka ah ee ku lug leh geedi socodka dib-u-eegista Dastuurka.

2. Xaqiijinta aragtida mideysan ee mowqifka rasmiga ah ee hay’adaha Dowladda Federaalka ka qabto hawsha Dib- u-eegista iyo hirgelinta Dastuurka.

3. Diyaarinta iyo dhaqangelinta sharci Afti Qaran taas oo saldhig u noqonaysa qabashada Afti Dadweyne oo lagu ansaxiyo Dastuurka.

4. Fududeynta xaladaha suurtagelinaya in la helo jawi siyaasadeed oo lagu diyaarinayo laguna qabto Afti Dadweyne oo Dastuurka loo qaado.

Masuuliyadda iyo Waajibaadka Guddiga Dib-u-Eegista iyo La socodka Dastuurka ee Baarlamaanka:

Guddiga Dib-u-Eegista iyo La socodka Dastuurka ee Baarlamaanka Federaalka wuxuu u gudanayaa mas’uuliyadiisa iyo waajibaadkiisa si waafaqsan qodobbada 133aad iyo 134aad ee Dastuurka Federaalka KMG ah, kuwaas oo ay ka mid yihiin:

  1. Wuxuu la soconayaa, tilmaamayaa, islamarkaana meelmarinayaa howlaha Guddiga Madaxabanaan ee Dib-u-Eegista iyo Hirgelinta Dastuurka si waafaqsan Dastuurka KMG ah iyo Sharciga lagu dhisay Guddiga Madaxabanaan ee Dib-u-Eegista iyo Hirgelinta Dastuurka.

2. Wuxuu u gudbinayaa Guddiga Madaxabannan ee Dib-u-Eegista iyo Hirgelinta Dastuurka mashruuc sharci qabyo qoraal ah, si loo xaqiijiyo is waafaqsanaanta iyo isku xirnaanta axkaamta Dastuurka qabyada ah.

3. Waxay dhexdooda dib-u-eegis ku sameeynayaan xeerarka qabyada ah iyo warbixinta la socota oo uu soo gudbiyay Guddiga Madaxa Bannaan ee Dib u Eegista iyo Hirgelinta Dastuurka.

4. Wuxuu ku wargalinayaa lana tashanayaa bulshada rayidka, culimada, haweenka, dhalinyarada, ururada siyaasadeed iyo dhammaan qaybaha kale ee dadweynaha waxyaabaha uu ka koobanyahay soo jeedinta iyo warbixinta uu soo gudbiyay Guddiga Madaxabanaan ee Dib-u-Eegista iyo Hirgelinta Dastuurka iyadoo lala kaashanayo Wasaaradda Arimaha Dastuurka.

5. Wuxuu hubinayaa in dadweynaha la siiyo fursado ku filan oo ay kaga qeybqaataan doodaha intii suurta gal ah.

6. Wuxuu la tashanayaa guddiyada iyo xubnaha kale ee Baarlamaanka Federaalka.

7. Wuxuu la tashanayaa Hay’adaha Sharci-dejinta ee dawladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka.

8. Wuxuu si madaxbanaan u qorsheenaya una maamulayaa miisaaniyadda Guddiga La socodka iyo dib-u-eegista Dastuurka, iyadoo la dhowrayo shuruucda Maamulka Maaliyadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

9. Wuxuu diyaarinayaa qorshaha hawleedka iyo hannaanka dib-u-eegista dastuurka iyo miisaaniyad lagama maarmaanka u ah ee lagu fulinayo howlaha geeddi-socodka dib-u-eegista dastuurka iyadoo lala kaashanaayo Wasaaradda Arrimaha Dastuurka iyo Guddiga Madaxabanaan ee Dustuurka. –

10. Guddiga Dib-u-Eegista iyo La socodka Dastuurka ee Baarlamaanka Federaalka wuxuu korjoogteynayaa, lana xisaabtamayaa hawlaha Wasaaradda Arimaha Dastuurka iyo Guddiga Madaxabanaan ee Dib-u-Eegista iyo Hirgalinta Dastuurka si waafaqsan Dastuurka KMG ah.

Close Search Window