Waajibaadka Guddiga MDHD

Dheeho waajibaadka iyo ujeedooyinka guddiga Madaxa-bannaan ee dib-u-eegista Dastuurka

Guddiga Madaxabanaan ee Dib-u-Eegista iyo Hirgelinta Dastuurka (GMDHD)

Guddiga Madaxabannaan ee Dib-u-Eegista iyo Hirgelinta Dastuurka waxaa lagu dhisay Qodobka 134 aad ee Dastuurka iyo sharciga lagu dhisay Guddiga ee soo baxay 3dii Luulyo 2013. Guddigu wuxuu ka kooban yahay 5 xubnood iyo min hal ergay oo ka imaanaya Dawlad-goboleedyada.

Waajibaadka Guddiga

Guddiga Madaxabannaan ee Dib-u-Eegista iyo Hirgelinta Dastuurka wuxuu u gudanayaa xilalkiisa iyo waajibaadkiisa si waafaqsan qodobbada 133aad iyo 134aad ee Dastuuurka Federaalka KMG ah iyo qodobka 12aad ee sharciga lagu dhisay Guddiga waxaana ka mid ah:

.

  • Gudashada Hawshiisa

    Howshiisa u guto hadba sida uu Guddiga Dib-u-Eegista iyo La socodka Dastuurka ee Baarlamaanka uu tilmaamo, Iyagoo diyaarinaya wax ka bedelka Dastuurka si waafaqasan jadwalka koowaad (C), ama la soo jeediyo mashruuc sharci qabyo ah sida ku cad jadwalka (D) ama hadba sidii kale ee loo baahdo.

  • Diyaarinta Warbixino

    Diyaariyo warbixin ku salaysan cilmi baaris iyo xog ururin taasoo tilmaan ka bixineysa qodob, cutub ama mashruucsharci oo loo soo gudbiyay wax ka beddelkiisa.

  • Baaris sharciyeed

    Dhameystiro baaris sharciyeed ama xaqiiqo ee lagama maarmaanka u ah gudashada howsha dib u eegista Dastuurka.

  • Wadashaqaynta Baarlamaanka

    U gudbiyo Guddiga Dib-u-Eegista iyo La socodka Dastuurka ee Baarlamaanka soo jeedinta wax ka beddelka qodobada Dastuurka oo dhammeystiran ama mid qabya ah oo ay la socoto warbixin.

  • Baarlamanka Warbixin la-wadaagno

    U gudbiyo Guddiga Dib-u-Eegista iyo La socodka Dastuurka ee Baarlamaanka warbixin saddex biloodle ah ama haddii laga soo codsado wixii ku soo kordhay dib u eegista iyo hirgelinta Dastuurka iyo caqabad kasta oo hortaagan si wax looga qabto.

  • Maamulida Dhakhliga Guddiga

    Si madaxbanaan u maamulo dakhliga loo qoondeeyay ee loogu talagalay howlaha Guddiga Madaxbanaan ee Dib-u-Eegista iyo Hirgelinta Dastuurka iyadoo la dhowrayo shuruucdda Maamulka Maaliyadda ee JFS.

  • Helida Hawl-wadeeno

    Helo shaqaale ku filan, iyadoo loo fiirinayo hadba inta Miisaaniyadda ay la eg tahay, si ay u gutaan xilkooda hab waafaqsan Dastuurka iyo Shuruucda Dalka.

  • Gudashada Hawlkasta

    U guto hawl kasta oo u dirsado Guddiga Dib-u-Eegista iyo La socodka Dastuurka ee Barlamaanka.

.

Close Search Window