𝔹𝕒𝕪𝕕𝕙𝕒𝕓𝕠; 𝟚𝟙 𝕆𝕔𝕥𝕠𝕓𝕖𝕣 𝟚𝟘𝟚𝟜; Hay’adaha u xilsaaran dib u eegista iyo dhameystirka Dastuurka ee heer Federaal ayaa maanta ka bilaabay Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya gaar ahaan caasimadda ku meel gaarka ah ee Baydhabo, latashiga Hay’adaha Dowladda KGS iyo Bulshada Rayidka ee ku aadan wax ka beddelka cutubyada 5aad ilaa 9aad ee dib u eegista Dastuurka.
Ayadoo latashiyadan lala yeelan doono Bulshada Rayidka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed qaybahooda kala duwan ee ku sugan Baydhabo, Baraawe iyo Xudur ayaa maanta galinkii hore latashiga lagu bilaabay Hay’adaha Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya.
–Dhammaad–