Wararka

Muqdisho, Sebteember 06, 2023; Shirka maalinlaha ee Guddiga Madaxa-Bannaan ee Dib -U- Eegista iyo Hirgelinta Dastuurka oo maanta qabsoomay ayaa waxaa shir gudoominayey Guddoomiyaha Guddiga Avv. Burhan Adan Omar, waxaana shirkaan diirada lagu saaray dardargalinta dib u eegista dastuurka oo hada maraya meel wanaagsan iyo shaqooyinka hortabinta u leh guddiga.

Xubnaha guddiga ayaa inta uu kulanka socday waxa ay si qoto-dheer ugu doodeen qaar ka mid ah cutubyada dastuurka KMG ah ee JFS, gaar ahaan qodabada u baahan dib u eegista iyo dib u siiqaynta.

Comments are closed.

Close Search Window