Muqdisho, Aug 09, 2023: Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Dib -U- Eegsita iyo Hirgelinta Dastuurka Avv.Burhan Adan Omar oo uu wehliyo Guddoomiye Kuxigeenka Guddiga mudane Mohammed Hassan Idriss ( Ganeey) ayaa shir guddoomiyay kulanka maanta ee guddiga oo loogu diyaarinayo wax-la-baddelka Dastuurka looguna baddaleyo luqad dastuuri ah Heshiiska doorashooyinka ee Golaha Wadatashiga Qaran.
Xubnaha guddiga oo ahmiyadda koowaad siinaya sidii loo dhameystiri lahaa qabyo qoraalka Dastuurka KMG ah ayaa kulankooda maanta diirada ku saaray ka doodista Heshiikii doorashootinka ee GWQ , ayagoo ku sameeyey fallaanqayn iyo alfa-gurid.
Shirku wuxuu ku soo dhammaaday guul ayadoo loo ballamay kulamo dheeraad sii loo sii wado hawsha u taal Guddiga.