Wararka

Mogadishu, 26 July, 2023: Guddiga Madaxa-bannaan ee Dib -U-Degista iyo Hirgelinta Dastuurka ayaa kala wareegay Heshiisyadii uu gaaray Golaha Wadatashiga Qaran Guddiga La-socodka iyo Hirgelinta Dastuurka BJFS.

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Dib -U-Eegista iyo Hirgelinta Dastuurka, Mudane Avv. Burhan Adan Omar ayaa kala wareegay Gudoomiyaha Guddiga Dastuurka Baarlamaanka FS, Xil Xuseen Iidow 6heshiis oo Golaha Wadatashiga Qaran gaareen iyo diyaarinta 4-ta cutub ee ugu horreeya Dastuurka KMG.

Guddiga Madaxabanaan ee Dastuurka ayaa ballaanqaaday in Guddigu u-baddelayo 6-da heshiis luuqad sharci ah iyo diyaarina cutubyada 1aad ilaa 4aad ee Dastuurka KMG ah, sidoo kalena balan qaaday inay dardargalinayaan hawlaha hortabinta u leh dib u eegista Dastuurka.

Guddiga Dastuurka Baarlamaanka FS wuxuu ku wareejiyey Heshiisyada soo socda Guddiga Madaxa-bannaan ee Did -U- Eegista iyo Hirgelinta Dastuurka, heshiisyadaas oo kala ah:

1. Heshiiska Hanaanka Dooroshooyinka JFS 27 May 2023

2. Heshiiska lahanshaha maamulka iyo Wadaaga Dhakhliga Kheyraadka Dabiiciga ah ee dalka (shidaalka & macdanta) Baidoa, 27/4/2018

3. Heshiiska Federaaleeynta Maaliyadda 15-17 March 2023

4. Heshiiska Astaynta Wwoodaha Hay’adaha Dowladda Dec 28, 2022

5. Heshiiska Hanaanka Federaaleeynta Garsoorka Dec 28, 2022

6. Heshiiska Qaab- dismeedka Amniga Qaranka 15-17 March 2023

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close Search Window