Wararka

Sebteembar 16, 2023; Guddoomiyaha Guddiga Madaxabannaan ee Dib-u-eegista ivo Hirgelinta Dastuurka Avv.Burhan Adan Omar, ayaa xilka u kala wareejiyay Xoghayihii hore ee Guddiga Mudane Maxamed Deheeye Ismaciil iyo Xoghayaha Guud cusub ee Guddiga Madaxabannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka Mudane Abdulkadir Mohamed Hassan “Madoobe”.

Xoghayaha Guud ee xilka la wareegay, Mudane Abdulkadir Madoobe ayaa u mahadceliyay Xoghayihii hore dadaalladii uu ku bixiyay howlaha dib-u-eegista Dastuurka, sidoo kale Xoghayaha Guud ee cusub yaa balan qaaday inuu halkiisii ka sii wadi doono shaqada balaaran ee hortaala Guddiga.

Xoghayihii hore ee Guddiga Mudane Deheeye ayaa dhankiisa u mahadceliyay dhammaan xubnaha Guddiga iyo Howl-wadeennada wada shaqeyntii iyo iskaashigii muddadii uu ahaa Xoghayaha iyo inuu la shaqeyn doona Guddiga iyo Xoghayaha Guud ee cusub.

Gabagabadil, Guddoomiyaha Guddiga Madaxabannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka Avv. Burhan Adan Omar ayaa boggaadiyey shagooyinkii uu soo qabtay Xoghayihii hore, sidoo kale wuxuu Xoghayaha Guud ee cusub kula dardaarmay inuu dardargaliyo howlaha shaqo ee horyaal guddiga sidoo kalena Alle ugu baryay inuu ku asturo mas’uuliyada iyo waajibaadka loo igmaday.

Comments are closed.

Close Search Window