Wararka

Muqdishu, Diseembar 7, 2023: Guddiga Madaxabannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka “GMDHD” oo maanta soo gabagabeeyey soobandhigidda Soojeedinta Wax-kabeddelka Cutubka 1aad ilaa 4aad ee Dastuurka KMG.

GMDHD ayaa maanta soo gabagabeeyey Cutubyada 1aad, 2aad, 3aad iyo 4aad ee Dib-u-eegista Dastuurka,  oo shantii maalmood  ee la soo dhaafay u bandhigayey Guddiga La-socodka iyo Dib-u-eegista Dastuurka ee BJFS.

Kulanka intii uu socday, Xoghayaha Guud ee GMDHD Mudane Abdulkadir Madoobe, ayaa xubnaha u soo bandhigay koobniin ku saabsan howlihii soo qabsoomay shantii maalmood ee uu socday Kulan Howleedka Wadajirka labada Guddi ee u xilsaaran arrimaha dib-u-eegista Dastuurka.

Ugu dambeyntii, Guddoomiyaha Guddiga La-socodka Dastuurka ee BJFS ayaa u mahadceliyey dhammaan xubnaha GMDHD, shaqooyinka adkaa ay ka soo qabteen diyaarinta cutubyada 1aad ilaa 4aad. Sidoo kale Guddoomiyaha GMDHD Avv. Burhan Adan ayaa dhankiisa u mahadceliyey guud ahaan xubnaha labada guddi, gaar ahaan Guddiga La-socodka Dib-u-eegista Dastuurka sida wanaagsan ay ra’yigooda iyo fiirrooyiinkooda uga dhiibteen soojeedinta ay u soo bandhigeen GMDHD.



Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close Search Window