Wararka

Muqdisho, Febaraayo 20, 2024: 𝐃𝐎𝐎𝐃𝐃𝐀 𝐂𝐔𝐓𝐔𝐁𝐊𝐀 *1AAD* 𝐄𝐄 𝐃𝐀𝐒𝐓𝐔𝐔𝐑𝐊𝐀 𝐎𝐎 𝐋𝐀 𝐒𝐎𝐎 𝐆𝐄𝐁𝐀𝐆𝐄𝐁𝐄𝐄𝐘𝐀𝐘.

Kulanka wadajir labada Aqal ee Baarlamaanka ayaa maanta lagu soo gabagabeeyay doodda wax-kabeddelka cutubka 1aad (Qodobka 1aad ilaa 9aad).

Doodda wax-kabeddelka cutubka 1aad ayaa soo bilaabtay 12 Feebaraayo 2024, ayadoo labada gole ee BFS ay yeesheen kulan wadajir ah oo taarikhi isla markaasna loo qaybiyey nuqulka soo jeedimaha wax ka badalka Dastuurka ee uu soo diyaariyey Guddiga Madaxabannaan, uuna oggolaaday Guddiga La socodka.

Muddadii afar maalin ahayd ee ay socdeen doodaha soojeedimaha wax-kabeddelka cutubka 1aad, Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanka ayey soojeediyeen aragtiyo wax ku ool ah oo qaabayn, sixid iyo siiqayn, kuwaas uu diiwaangeliyey Guddiga Madaxabannaan hab qoraal, cod iyo muqaal ahba leh.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close Search Window