Wararka

Muqdishu, Apriil 1, 2024: Gudoomiyaha Guddiga Madaxabannaan ee -u- eegista iyo Hirgalinta Dastuurka Avv. Burhan Adan Omar oo ay waheliyaan Gudoomiye ku xigeenka Mohammed Hassan Idriss , xubnaha Guddiga Madaxabannaan ee Dastuurka iyo xoghayaha Guud ee Guddiga Abdulkadir Mohamed Hassan ayaa kulan mahadcelin ah la qaatey hawl- waddeena guddiga kuna amaanay shaqadii baaxada lahayd ee ay qabteen muddadii lagu guda jiray doodahii Baarlamaanka, latashiyadii iyo aragtiyihii dadweynaha sidii quruxda badnayd ee ay u diwaan-galinyeen aragtiyhii iyo soo jeedimihii waliba qaab casriyeysan oo reebaysa taariikh iyo tixraac keyd ah.

Intii uu kulanku socday xubnaha Guddiga ayaa si guud ugu mahadceliyay howl-waddeena dhabar adaygii iyo howl-karnimadii ay muujiyeen intii lagu guda jiray doodahii Baarlamaanka,latashiyadii iyo aragtida dadweynaha mahadcelin ka bacdi kalanka ayaa looga dooday cashardii laga bartay dib -u- eegistii cutubyadii 1-4aad ee datuurka, doodahii iyo soo jeedaha Baarlamaanka, latashiyadii iyo aragtiyahii dadweynaha iyo ugu danbayn diyaarintii nugulka kama danbaysta ahaa ee Baarlamaanku ansaxiyeen sidoo kale waxaa dood iyo taxliilin lagu sameeyay qorshe howlaha shaqe ee hortabinta u leh arrimaha dastuurka.

Gabogabaddii, Gudoomiye Burhan Adan Omar ayaa kula dardaarmay xubnaha guddiga iyo shaqaalaha inay sii labo jibaaraan dadaalkooda si loogu guulaysto waajibaadka shaqo iyo qorshaha guddiga ee sanadka 2024.

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close Search Window