Muqdisho, Agoosto 10, 2024 – Hay’addaha u Xilsaaran dib-u-Eegista dastuurka oo kala ah, Guddiga Madaxabannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka, Guddiga Lasocodka Dastuurka ee Baarlamaanka iyo Wasaaradda Cadaaladda iyo Arr. Dastuurka oo wada latashiyada qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa maalintii seddexaad la shiray Dhalinyaradda Soomaaliyeed, ayadoo shirkaasi lagu soo bandhigay soojeedin kooban oo ku saabsan cutubka 5aad ilaa 9aad ee dastuurka iyo su’aalo khuseeya isla
cutubyadaan.
Dhalinyarada ayaa soo bandhigay intii shirku socday aragtiyo, talo iyo suโaalaho quseeya cutubyada 5aad-9aad. Shirarkaan oo sii socon doona ayaa muhiimadiisu tahay in qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed laga qaybgaliyo wax-kabeddelka dastuurka.