Wararka

Dhuusamareeb , Sebteembar 21, 2024, Hay’adaha u xilsaaran Dib-u-eegista Dastuurka ee kala ah Guddiga Madaxabannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka, Guddiga Lasocodka Dastuurka ee Baarlamaanka iyo Wasaaradda Caddaaladda iyo Arr. Dastuurka, ayaa maanta si wadajir ah u daahfuray shirka Latashiga Culumaa’udiinka iyo Aqoonyahanka Galmudug ee ku saabsan diyaarinta Wax-kabeddelka Cutubyada 5aad – 9aad ee Dastuurka.
Culumaa’udiinka iyo Aqoonyahanka Galmudug ayaa intii shirku socday si fiican ugu dooday soojeedinta wax-kabedelka cutubyada 5aad – 9aad, wqxayna soo bandhigeen aragtiyo, talo wax-ku-ool ah iyo su’aalo khuuseeya cutubyadaas.
–Dhammaad-

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close Search Window