Dhuusamareeb, Sebteember 22, 2024 , hay’adaha u xilsaaran Dib-u-eegista Dastuurka ee kala ah, Guddiga Madaxabannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka, Guddiga Lasocodka Dastuurka ee Baarlamaanka iyo Wasaaradda Cadaaladda iyo Arr. Dastuurka, ayaa maalintii labaad si wadajir ah uga daahfuray Shirka Latashiga Dhalinyarada iyo Haweenka Galmudug ee ku saabsan diyaarinta Wax-kabeddelka Cutubyada 5aad – 9aad ee Dastuurka KMG ah.
Dhalinyarada iyo Haweenka Galmudug ayaa soo bandhigay talooyin iyo fikrado muhiim u ah cutubyada 5aad-9aad.
–Dhammaad-