Wararka

Galkacyo, Sebteembar 24, 2024: Duqa magaalada Galkacyo Mudane Abdirahman Sh. Hassan iyo mas’uuliyiin kale waxay galabta magaaladda Galkacyo ku soo dhaweeyeen hay’adaha u xilsaaran dib-u-eegista dastuurka ee kala ah Guddiga Madaxabannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka, Guddiga Dastuurka ee Baarlamaanka iyo Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka.
Hay’adahan ayaa magaalada Galkacyo u yimid in ay latashadaan Bulshada Rayidka si loogu soo bandhigo cutubyada 5aad ilaa 9aad oo uu guddigu hadda gacanta ku hayo dib-u-eegista wax-kabeddelkooda.
–Dhammaad-

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close Search Window