Jowhar, Ogtoobar, 24, 2024, Waxaa goordhow magaalada Jowhar Caasimada Dowlad Gobaleedka Hiirshabeelle dhammaaday shirka Latashiga Culumada iyo Aqoonyahanka Hiirshabeelle ee ku aadan soojeedinta wax-kabeddelka cutubyada 5’aad ilaa 9’aad ee Dastuurka KMG.
Culumaa’udiinka iyo Aqoonyahanka Hiirshabeelle ayaa intii shirku socday si fiican ugu dooday soojeedinta wax-kabedelka cutubyada 5’aad – 9’aad Dastuurka KMG , waxayna soo bandhigeen aragtiyo iyo su’aalo khuuseeya cutubyadaas. Kulamada latashiga qeybaha kala duwan ee bulshada iyo hay’adaha Dowladda Hiirshabeelle ayaa maalmaha nagu aoo aadan ka sii socon doona Magaaladda jowhar.