Wararka

Muqdisho, 09 Diseenbar, 2024; Waxaa soo idlaaday kulan dadweyna oo lagu gorfaynayay dib -u- eegista dastuurka ayadoo caawe diirada si gaara loo saaray Cutubka 9aad ee Dastuurka oo ka mid ah shanta cutub ee hadda maraya wajiga labaad ee latashiga. Cutubka 9-aad wuxuu si gaar ah uga hadlayaa dhismaha nidaam garsoor oo madaxbannaan, hufan, oo loo dhanyahay, kaas oo udub dhexaad u ah nabadda, garsoorka iyo cadaaladda dalka.
Madasha ayaa laysku dhaafsaday aragtiyo, doodo iyo talooyin ku aaddan Cutubka 9aad oo ka hadlaya dhismaha nidaamka garsoorka. Ka soo qeybgalayaasha madasha waxa ay fursad u heleen inay su’aalo toos ah waydiiyaan, Gudoomiyaha Guddiga Madaxabanaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka Avv.Burhan Adan Omar, Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arr. Dastuurka mudane Xasan Macalin Maxamuud iyo Senator Saciid Cabdi Xasan Cowke oo ah xoghayaha Guddiga Lasocodka Dastuurka ee Baarlamaanka BFS.
Madasha kulanka dadweynaha waxaa si-wadajir ah u soo agaasimeen, Hay’adaha u Xilsaaran dib-u-eegista Dasturka oo kala ah, Guddiga Madaxabannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka, Guddiga Lasocodka Dastuurka ee Baarlamaanka iyo Wasaaradda Caddaaladda iyo Arr. Dastuurka. Kulanka dadweynaha ee caawe qabsoomay waxa uu qeyb ka yahay kulamada qeybaha kala duwan bulshada Soomaaliyeed lala yeelanayo si qof walba Soomaaliyeed fursad ugu helo inuu codkiisa qeyb ka noqdo dib u eegista dastuurka. Si hanaanka dib -u- eegista dastuurka u noqdo mid daahfuran oo loo dhanyahay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close Search Window