Wararka

Muqdisho: 08 Diseenbar,2024; Hay’adaha u xilsaaran dib-u-eegista Dasturka oo kala ah, Guddiga Madaxabannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka, Guddiga Lasocodka Dastuurka ee Baarlamaanka iyo Wasaaradda Caddaaladda iyo Arr. Dastuurka ayaa si wadajir ah u daahfuray Shirka Latashiga Guddiyada Dastuurka ee Golayaasha Dowlad Gobaleedyada ee Soojeedinta Wax- ka Beddelka Cutubyada 5aad Ilaa 9aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya.
Guddiga Madaxabannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka ayaa ka qeybgalayaasha u soo bandhigay soojeedin kooban oo ku saabsan Cutubka 5aad ilaa 9aad ee Dastuurka iyo su’aalo khuseeya isla cutubyadaan. Shirka Latashiga Guddiyada Dastuurka ee Golayaasha Dowlad Gobaleedyada ayaa dhankooda intii shirku socday ka dhiibtay aragtiyo, talo iyo su’aalaho quseeya cutubyada 5aad-9aad ee Dastuurka.Guddiyada Dastuurka ee Golayaasha Dowlad Gobaleedyada ayaa dhankooda intii shirku socday ka dhiibtay aragtiyo, talo iyo su’aalaho quseeya cutubyada 5aad-9aad ee Dastuurka.
Gudoomiyaha Guddiga Madaxabanaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka Avv.Burhan Adan Omar ayaa furitaanka ka hadlay waxa uu xusay in sojeedimaha halkan lagu soobandhigo aysan noqonayn kuwo la isaga tago oo ay noqonayaan sojeedimo wax ku ool ah oo laqaato, siddoo kale Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arr. Dastuurka mudane Xasan Macalin Maxamuud ayaa ugu mahadceliyay ka qeybgalayaasha sidda baaxada leh ugu qeybqaateen latashiyada Soojeedinta Wax- ka Beddelka Cutubyada 5aad Ilaa 9aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close Search Window