Muqdisho, Juun, 18, 2022 – Madaxweynaha JFS Mudane Dr. Hassan Sheikh Mohamud ayaa Kulan la qaatay Guddiga Madaxabanaan ee Dastuurka, kulaankaas oo looga hadlayey muhiimadda dhammeystirka dastuurka KMG uu u leeyahay xasilloonida iyo geeddi-socodka dowlad dhiska dalkeenna. Guddoomiyaha Guddiga Avv. Burhan Adan Omar ayaa warbixin Ka siiyay madaxweynaha JFS shaqooyinka muhiimka ah ee dib-u-eegista dastuurka uga qabsoomay muddadii koobneyd ee ay shaqeeynayeen.
Xubnaha guddiga ayaa madaxweynaha Jamhuuriyadda la wadagay in ay wadaan latashiyada dastuurka oo ay qeybaha Kala duwan ee Bulshada Soomaaliyeed iyo khubarada sharciga laga qeyb-gelinayo dib u eegista dastuurka.
Ugu dambeyn Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo bogaadiyey Xubnaha Guddiga howlaha u qabsoomay ayaa kula dardaarmay dardar-gelinta qabyo-tirka dastuurka, dadaal dheeri ahna ay ku bixiyaan sidii Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay u yeelan lahayd dastuur dhammeystiran oo dalka ka saara xasillooni darrada siyaasadeed.