Muqdisho, 24 Juun, 2023; Guddoomiyaha Guddiga Madaxabanaan ee Dastuurka, Avv. Burhan Adan Omar ayaa maanta Shir guddoomiyay kulanka maalin laha ee guddiga oo diirada lagu saaray dardargelinta howlaha hortabinta u leh dib u eegista Dastuurka KMG ee JFS.
.
Kulankaan oo ay kaso qeyb galeyn xubnaha guddiga iyo xeel-dheerayaal sharci ayaa ahmiyadda lagu siiyay sidii loo dhameystiri lahaa Dastuurka KMG ee dalka, isla-markaana cutubyada hore ee Dastuurka loo horgeyn lahaa laanta sharci dajinta dalka si ay waajibaadkooda uga gutaan. kulankaan ayaa qeyb ka ah kulamo maalinle ah oo uu wado guddigu si loo dardargaliyo hawlaha hortabinta u leh qabyo tirka Dastuurka..