Dib-u-eegista dastuurku si ay sharciyad u hesho loona helo lahaansho Soomaaliyeed oo dhameystiran waxaa lagama maarmaan ah in lagala tashado dhammaan qaybaha bulshada islamarkaasna lagu wacyigaliyo dadweynaha Soomaaliyeed. Qorshe-howleedka wuxuu hagayay latashiyada iyo wacyigalinta qaybaha ku shaqada leh, daneeyayaasha iyo dadweynaha ee ku aadan cutubyada dib-u-eegista lagu sameeyay ee Dastuurka KMG. Qorshahu wuxuu faah-faahinayay istiraatijiyadda wacyigalinta iyo latashiga dadweynaha iyadoo la jaanqaadeysay tubta geedi-socodka dib-u-eegista Dastuurka. Haddaba, Qorshe-howledkaasi wuxuu xaqiijinayey in la gaaro ujeedooyinka istiraatiijiyadda wacyigalinta iyo latashiga dadwaynaha ee hoos ku xusan:
Si waafasan Qodobka 133aad, Qorshaha istiraajiyadu wuxuu tilmaamayey in lagala tashado qaybaha kala duwan ee Bulshada iyo Dawladda, si loo helo aragtidooda ku aadan Dib-u-eegista Dastuurka kuwaas oo kala ah: