Muqdisho, Diseembar 4, 2023, Guddiga Madaxabannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Datuurka ayaa maanta Guddiga La-socodka Dib-u-eegista Dastuurka u soo bandhigay wax-kabeddelka cutubka 2aad ee Dastuurka KMG oo ku saabsan Xuquuqda Asaasiga ah iyo Waajibaadka Muwaaddinka.
Kulan howleedka wadajirka ah ee labada guddi u xilsaaran arrimaha Dastuurka, inta uu socdo wuxuu GMDHD ku soo bandhigo doonnaa cutubka 1aad, 2aad, 3aad iyo 4aad iyo warbixinta la socota soojeedinta.