Wararka

Dhuusamareeb, Sebtember 22, 2024, Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa magaaalada Dhuusamareb ee caasimadda Galmudug ka daahfuray shirka latashiga hay’adaha dawladda Galmudug ee kala ah Fulinta, Xeer-dejinta Garsoorka.
Kulanka intii uu socday Guddoomiyaha Guddiga Madaxabannaan ee Dastuurka Avv. Burhan Adan Cumar ayaa xubnaha la wadaagay howlaha u qabsoomay hay’adaha u xilsaaran dib-u-eegista dastuurka, iyo muhiimadda ay latashiyada u leeyihiin dhammaan muwaaddiniinta Soomaaliyeed, haddii ay ahaan lahaayeen kuwa ku nool caasimadda Muqdisho oo lala soo tashtay iyo kuwo degan dawlad goboleedyada oo hadda la gudagalay in laga talagaliyo aragtiyadoodana ay ku darsadaan dib-u-eegista wax-kabeddelka dastuurka.
Hay’adaha Dawladda Galmudug ayaa si qottodheer uga doodday talooyinkoodana ku dhiibtay qaab qoraal ahaan iyo mid si toos ah (muqaal ahaan).
—Dhammaad—

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close Search Window