Muqdisho, 16, May,2023:- Guddoomiyaha Guddiga Madaxabanaan ee Dastuurka Avv.Burhan Adan Omar oo uu wehliyo Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga Mudane. Mohammed Hassan Idriss ayaa maanta kulan la qaatay ku-xigeenka madaxa xafiiska siyaasadda ee United Nations Assistance Mission in Somalia – UNSOM Marwo. Christina Hajdu iyo ku-xigeenka United Nations Development Programme – UNDP ee dhanka Barnaamijyada Marwo Sophie Kemkhadze.
Kulanka ayaa looga hadlay arrimaha dib u eegista Dastuurka iyo siddii UN-ka kaalin uga qaadan lahaayeen dhameystirka Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Waxaana madaxda ka socotay hay’adaha UNDP iyo UNSOM ay balan qaadeen in ay taageerayaan dhameystirka Dastuurka dalka.
Ugu dambeyn Guddoonka guddiga ayaa dhankooda ka mahadceliyay sidda hay’adaha QM, u garab taagan yihiin dadka Soomaaliyeed gaar ahaan sidda ay uga go’antahay taageerida hay’adaha ku shaqada leh dhameystirka Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.