Wararka

Hay’adaha u xilsaaran dib-u-eegista Dastuurka ayaa agaasimay latashiga qaybaha kala duwan ee Bulshada rayidka oo ay ku jiraan culumada, haweenka, isimada, cilmibaarista, jaamacadaha, dhalinyarada, ganacsatada, hoggaamiyeyaasha dhaqanka iyo dallada Bulshada rayidka.

Guddiga Madaxabannan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka, Wasaaradda Arrimaha Dastuurka iyo Guddiga La socodka ee BFS ayaa ku hawlan latashiga dadweynaha ku saabsan Dib-u-eegista Dastuurka.

Shirkan oo socon doona muddo laba maalmood ah, ayaa waxaa bulshada rayidka qaybaheeda kala duwan loo soo bandhigi doonna soojeedimaha wax-kabeddelka cutubyada 1aad oo hadda horyaala Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Natiijada latashiga dadweynaha iyo doodda xildhibaanada ayaa lagu dari doonaa nuqulka kama danbaysta ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close Search Window