Wararka

Muqdisho, 09 Diseenbar,2024; Hay’adaha u Xilsaaran dib-u-eegista Dasturka oo kala ah, Guddiga Madaxabannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka, Guddiga Lasocodka Dastuurka ee Baarlamaanka iyo Wasaaradda Caddaaladda iyo Arr. Dastuurka ayaa soo agaasimay latashiga dib -u- eegista dastuurka oo ku saabsan Asteynta Awooddaha, kulanka waxaa ka soo qeybgalay mas’uuliyiin ka socotay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, iyo wasaaraddaha ku shaqada leh howlaha daadejinta awooddaha heerarka kala duwan ee dowladda.
Cutubka shannaad ee dastuurka ee ugu horreeya cutubyada hadda wadatashiyadu ku socdaan ayaa ka hadlaya Asteynta Awooddaha, Guddiga Madaxabannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka ayaa diyaariyay Soojeedinta Wax- ka Beddelka Cutubka Shannaad Asteynta Awooddaha ee Dastuurka ayadoo lagu saleeyay Heshiiskii Bishii December 2022 ee Golaha Wadatashiga Qaranka gaaray ee Asteynta Awooddaha heerarka kala duwan ee dowladda oo luuqas dastuuriya loo beddelay.
Waxaa wali socda Latashiyada Soojeedinta Wax- ka Beddelka Cutubyada 5aad Ilaa 9aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya ayadoo si gaara loo tixgalinayo dhammaan aragtiyada iyo soojeedima qeybaha kala duwan Ummadda Soomaaliyeed.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close Search Window