Wararka

Muqdisho, December 03, 2023; Guddiga Madaxa Bannaan ee Dib u Eegsita iyo Hirgalinta Dastuurka iyo Guddiga lasocodka iyo Hirgelinta Dastuurka ee BJFS ayaa maanta kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ee caasimada Dalka.

Kulankaan oo ay goob joog ahaayeen Guddoonka labada guddi ayaa ujeedkiisu waxaa uu ahaa soo bandhigida warbixinta Soojeedinta Wax-kabeddelka Cutubyada 1aad, 2aad, 3aad iyo 4aad ee Dastuurka KMG ah oo ay soo diyaariyeen xubnaha guddiga Madaxa bannaan ee dib u eegista Dastuurka.

Guddoomiyaha guddiga Madaxa bannaan ee dib u eegista iyo Hirgelinta Dastuurka Avv.Burhan Adan Omar oo ugu horeyn ka hadlay munaasbada ayaa u soo bandhigay xubnaha Guddiga La-socodka Dastuurka BJFS soojeedinta warbixinta cutubyadda 1-aad ilaa 4-aad ee dastuurka.

Xubnaha GMDHD ayaa Guddiga lasocodka Dasuurka ee BJFS ka dhageeystay talooyinka, tilmaansiinta iyo fikradaha ku aaddan cutubyada koowaad ilaa afaraad ee dastuurka KMG ah si guddiga uu ugu soo lifaaqo, isla-markaana loogu gudbiyo labada Golle ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya si ay uga gutaan waajibaadkooda Dastuuriga ah.








Comments are closed.

Close Search Window