Muqdisho, 29, Diseenbar, 2024, Hay’adaha u xilsaaran dib-u-eegista Dasturka oo kala ah, Guddiga Madaxabannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka, Guddiga Lasocodka Dastuurka ee Baarlamaanka iyo Wasaaradda Caddaaladda iyo Arr. Dastuurka ayaa si wadajir ah ugu daahfuray Shirka Wajiga Labaad Hay’adaha Dowladda Federaalka ee Soojeedinta Wax- ka Beddelka Cutubyada 5aad ilaa 9aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya.
Guddiga Madaxabannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka ayaa ka qeybgalayaasha u bandhigay najiidooyinka ka soo baxay Latashiyadi Wajigii Koobaad Cutubyada 5aad ilaa 9aad ee Dastuurka iyo soojeedin kooban oo ku saabsan Cutubka Saad ilaa 9aad ee Dastuurka iyo su’aalo khuseeya isla cutubyadaan.