Wararka

Nairobi: 07 Diseenbar,2024; Hay’adaha u xilsaaran dib-u-eegista Dasturka oo kala ah, Guddiga Madaxabannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka, Guddiga Lasocodka Dastuurka ee Baarlamaanka iyo Wasaaradda Caddaaladda iyo Arr. Dastuurka ayaa si wadajir ah ugu daahfuray magaalada Nairobi ee dalka Kenya, Shirka Latashiga ee Soojeedinta Wax- ka Beddelka Cutubyada 5aad ilaa 9aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya.
Kulamada latashiyadaa dib -u- eegista dastuurka oo bilahii la soo dhaafay ka socday gobalada dalka, ayaa hadda la gaarsiiyay Soomaalida ku dhaqan dalka Kenya si ay aragtidooda iyo figradooda ugu darsadaan dastuurkooda, intii kulanka socday dadka Soomaaliyeed ee dagan magaaladda Nairobi dalka Kenya ayaa ka dhiibtay aragtidooda ku aaddan Soojeedinta Wax- ka Beddelka Cutubyada 5aad ilaa 9aad ee Dastuurka.
Ka qeybgalayaasha kulanka oo ka kala socday qeybaha kala duwan bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan Nairobi ayaa hay’adaha weydiiyay su’aalaha ay ka qabeen qodobada cutubyada 5aad ilaa 9aad oo hadda dib -u- eegistoodu socoto, hay’adaha ayaa si faahfaahsan uga jawaabay dhammaan su’aalihii ay waydiiyeen. Bulshada Soomaaliyeed ee ku nool magaaladda Nairobi dalka Kenya ayaa hay’adaha u xilsaaran dib -u- eegista dastuurka uga mahadnaqay sidda u soo gaarsiiyeen kulamada latashida dib -u- eegista dastuurka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close Search Window