Wararka

Muqdisho, 24, Diseenbar, 2024, Hay’adaha uxil saaran Dastuurka ee kala ah Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, Guddiga Madaxa Bannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka iyo Guddiga lasocodka Dastuurka ee Labada Aqal ee( BFS) Ayaa Shir Latashi ah Kuna Saabsan Soo-Jeedinta Wax-kabadelka Dastuurka cutubyadiisa 5aad ilaa 9aad la yeeshay Bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan Magaalada Bristol ee dalka Ingiriiska.

Shirkaan oo ah kii Sedaxaad oo ay Hay’adaha uxil saaran Dastuurka la qaataan Qurba-joogta ku nool dalka dibeddiisa ayaa looga dhagaystay Ka-qayb galayaasha Talooyinkooda iyo Aragtidooda ku aadan Qodobada Dastuurka ee cutubyada 5aad iyo 9aad, Sidoo kalana lala wadaagay geedi socodka guud ahaan Dastuurka iyo heerarkii uusoo Maray.
Qurba-joogta Soomaaliyeed ayaa soo dhawaysay fursadda loo siiyay in ay Aragtidooda ku biiriyaan Soo-Jeedinta Wax-kabadelka Dastuurka iyagoo Shirka Latashiga kusoo bandhigay Aragtidooda

.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close Search Window