London: 21 Diseenbar, 2024; Hay’adaha u xilsaaran dib-u-eegista Dasturka oo kala ah, Guddiga Madaxabannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka, Guddiga Lasocodka Dastuurka ee Baarlamaanka iyo Wasaaradda Caddaaladda iyo Arr. Dastuurka ayaa si wadajir ah ugu daahfuray London ee dalka UK, Shirka Latashiga ee Soojeedinta Wax- ka Beddelka Cutubyada 5aad ilaa 9aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya.
Kulamada latashiyadaa dib -u- eegista dastuurka oo bilahii la soo dhaafay ka socday gobalada dalka iyo dalalka jaaliyadaha Soomaaliyeed ku noolyahiin aayaa hadda la gaarsiiyay Soomaalida ku dhaqan UK si ay aragtidooda iyo taladooda kulmo darsadaan dib -u- eegista dastuurkooda, intii kulanka socday dadka Soomaaliyeed ee dagan magaaladda London dalka UK ayaa ka dhiibtay aragtidooda ku aaddan Soojeedinta Wax- ka Beddelka Cutubyada 5aad ilaa 9aad ee Dastuurka.
Ka qeybgalayaasha kulanka oo ka kala socday qeybaha kala duwan bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan London ayaa hay’adaha weydiiyay su’aalaha ay ka qabeen qodobada cutubyada 5aad ilaa 9aad oo hadda dib -u- eegistoodu socoto, madaxda hay’adaha ayaa si faahfaahsan uga jawaabay dhammaan su’aalihii ay waydiiyeen. Bulshada Soomaaliyeed ee ku nool magaaladda London dalka UK ayaa hay’adaha u xilsaaran dib -u- eegista dastuurka uga mahadnaqay sidda u soo gaarsiiyeen kulamada latashida dib -u- eegista dastuurka.
b galayaasha Talooyinkooda iyo Aragtidooda ku aadan Qodobada Dastuurka ee cutubyada 5aad iyo 9aad, Sidoo kalana lala wadaagay geedi socodka guud ahaan Dastuurka iyo heerarkii uusoo Maray.
Qurba-joogta Soomaaliyeed ayaa soo dhawaysay fursadda loo siiyay in ay Aragtidooda ku biiriyaan Soo-Jeedinta Wax-kabadelka Dastuurka iyagoo Shirka Latashiga kusoo bandhigay Aragtidooda
.