Muqdisho, Maajo 04, 2023:- Waxaa maanta magaalada muqdisho lagu soo gabagabeeyay shirka Banbaxa Saddexda hay’adood ee u xilsaaran Dib-u-eegista Dastuurka ee kala ah Guddiga Madaxabanaan ee Dastuurka, Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS iyo Guddiga Dastuurka Baarlamaanka FS.
Banbaxaan oo socday muddo saddex maalin ah ayaa diirada lagu saaray hawlaha hortabinta u leh Dib u eegista Dastuurka KMG ee dalka, dejinta iyo fulinta qorsheyaasha la xiriira dhammaystirka qabyo qoraalka Dastuurka iyo Wada shaqaynta Hay’adaha u xilsaaran Dib-u-eegista Dastuurka.
Shirka ayaa laga soo saaray qodobo muhiim ah oo ay si wadajir ah u saxiixeen Guddoomiyaha Guddiga Mudane Burhan Adan Omar, Guddoomiyaha Guddiga lasocodka dastuurka BJFS iyo Wasiirka Wasaaradda cadaalada iyo Arrimaha Dastuurka XFS Mudane Xasan Macalin Maxamuud.
Waxayna Kala yihiin qodobada;
1. Hay’adaha u xilsaaran Dib-u-eegista Dastuurku waxay isku raaceen in si wadajir ay uga shaqeeyaan geedi socodka dhammaystirka dib-u-eegista Dastuurka.
2. Hay’adaha u xilsaaran Dib-u-eegista Dastuurku waxay isku raaceen in muddo 18 bilood gudohood ay ku dhammaytirayaan dib-u-eegista Dastuurka.
3. Ha’yadaha U xilsaaran Dib-u-eegista Dastuurku waxay dejisteen Qorshe Howleed midaysan ee dhammaytirka hannaanka dib-u-eegista Dastuurka.
4. Ha’yadaha U xilsaaran Dib-u-eegista Dastuurku waxay isla garteen in Guddiga La-socodka Dib-u-eegista & Hirgelinta Dastuurka uu baarlamaanka Federaalka horgeeyo soojeedinta Jadwalka iyo habraaca ansixinta wax ka bedelka Dastuurka.
5. Ha’yadaha U xilsaaran Dib-u-eegista Dastuurku waxay isku raaceen in ay kusii wada- shaqeyeeyaan heshiiskii is-afgarad ee horay u jiray oo saldhig u noqonaya hannaanka wada-shaqeynta hay’adaha saddexda ah ee kor xusan.