Balcad, 22 October, 2024; Shirka La-tashiga Bulshada degmada Balcad ee soojeedinta cutubyada 5aad ilaa 9aad ee Dastuurka. Intii uu shirku socday bulshada reer Balcad ayaa soo bandhigay talooyin iyo fikrado muhiim u ah soo jeedinta dib-u- eegista cutubyada 5aad-9aad ee Dastuurka KMG ah.
Kulankan oo ay ka soo qeyb galeen qaybaha kala duwan ee bulshada magaalada Balcad madaxda iyo wakiillo ka socda ururada bulshada rayidka ah, ayaa intii uu shirku socday waxay si fiican ugu doodeen arrimaha qabyo tirka wax ka beddelka Dastuurka, iyagoo soo jeediyay talo, tusaalooyin iyo aragtiyo kale oo muhiim ah.
–Dhammaad–