Wararka

Baraawe, Ogtoobar 30, 2024, Waxaa magaalada Baraawe ee caasimadda Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed , lagu soo gabagabeeyey shirka Latashiga Bulshada Rayidka ee soojeedinta wax-kabeddelka cutubyada 5aad ilaa 9aad ee Dastuurka.
Hay’adaha u xilsaaran Dib-u-eegista Dastuurka ee kala ah, Guddiga Madaxabannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka, Guddiga Lasocodka Dastuurka ee Baarlamaanka iyo Wasaaradda Caddaaladda iyo Arr. Dastuurka oo ay weheliso Wasaaradda Arrimaha Dastuurka Koonfur Galbeed, ayaa maanta si wadajir ah uga daahfuray magaalada Baraawe ee Caasimada Dowlad Gobaleedka Koonfur, shirka Latashiga Bulshada Rayidka ee soojeedinta wax-kabeddelka cutubyada 5aad ilaa 9aad ee Dastuurka.
Bulshada Rayidka ee reer Baraawe ayaa intii shirku socday si fiican ugu dooday soojeedinta wax-kabedelka cutubyada 5aad – 9aad, wqxayna soo bandhigeen aragtiyo, talo wax-ku-ool ah iyo su’aalo khuuseeya cutubyadaas. Kulama latashiyada ee soojeedinta wax-kabeddelka cutubyada 5aad ilaa 9aad ee Dastuurka ayaa maalmaha inagu soo aaddan ka sii socon magaalada Baraawe ayadoo qeybaha kale duwan ee bulshada reer Baraawe latashi lala samayn doono.
–Dhammaad–

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close Search Window