Baydhabo, 22 October, 2024; Culumada iyo Odayaasha Dhaqanka magaalada #Baydhabo ayaa galabata aragtidooda iyo taladooda ku aadan soojeedinta wax ka beddelka cutubyada 5aad ilaa 9aad ee Dastuurka laga dhageystay.
Hay’adaha u xilsaaran dib u eegista Dastuurka ayaa latashiyo ballaaran la sameeyay Hay’adaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Dhallinyarada iyo Haweenka, Aqoonyahannada, culumo udiinka iyo Odayaasha Dhaqanka ku dhaqan magaalada Baydhabo.
Maalmaha soosocda waxaa latashiyo sidaan camal ah laga bilaabi doonaa magaalada caasimadda ah ee Baraawe iyo Xudur KGS.
–Dhammaad–