Muqdisho, Agoosto 17, 2024, Hay’adaha u xilsaaran Dib-u-eegista Dastuurka ee kala ah Guddiga Madaxabannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka, Guddiga Lasocodka Dastuurka ee Baarlamaanka iyo Wasaaradda Caddaaladda iyo Arr. Dastuurka, ayaa maanta si wadajir ah u daahfuray Shirka Latashiga Culumaa’udiinka Soomaaliyeed ee ku saabsan diyaarinta Wax-kabeddelka Cutubyada 5aad – 9aad ee Dastuurka.
Culumaa’udiinka Soomaaliyeed ayaa intii shirku socday si fiican ugu dooday soojeedinta wax-kabedelka cutubyada 5aad – 9aad. Sidoo kale Culumaa’udiinka Soomaaliya ayaa soo bandhigay aragtiyo, talo wax-ku-ool ah iyo su’aalo khuuseeya cutubyadaasi.
Shirka wajiga labaad latashiyada ayaa galay maalintiis 6aad ayadoo uu sii socon doona shirka la-tashiga qeybaha kala duwan ee bulshada, ujeeddada kulamadaan ayaa ah in bulshada Soomaaliyeed qeybaheeda kala duwan laga qaybgaliyo geeddi-socodka dib-u-eegista dastuurka.
–Dhammaad-