Baraawe, Ogtoobar 30, 2024 , Hay’adaha u xilsaaran Dib-u-eegista Dastuurka ee kala ah, Guddiga Madaxabannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka, Guddiga Lasocodka Dastuurka ee Baarlamaanka iyo Wasaaradda Cadaaladda iyo Arr. Dastuurka, oo ay waheliso Wasaaradda Arrimaha Dastuurka Koonfur Galbeed, ayaa si wadajir ah uga daahfuray Magaalada Baraawe ee Caasimada Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Shirka Latashiga Haweenka Baraawe ee ku saabsan diyaarinta Wax-kabeddelka Cutubyada 5aad – 9aad ee Dastuurka KMG ah. Intii uu shirku socday Haweenka Baraawe ayaa soo bandhigay talooyin iyo fikrado muhiim u ah cutubyada 5aad-9aad ee Dastuurka KMG ah.
–Dhammaad–