Wararka

Jowhar, Ogtoobar 24, 2024, Gudoomiye Ku-xigeenka koobaad Baarlamaanka Hiirshabeele, ahna Ku-simaha Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Hiirshabeelle, Mudane Siraaji Sheikh Isxaaq, ayaa magaaalada Jowhar ee caasimadda Hiirshabeelle ka daahfuray shirka latashiga Hay’adaha Dawladda Hiirshabeelle ee soojeedinta wax-kabeddelka cutubyada 5’aad ilaa 9’aad ee Dastuurka KMG. Seddexda Hay’adood Dawladda Hiirshabeelle oo kala ah Fulinta, Xeer-dejinta Garsoorka ayaa kulanka ka soo qeybgalay.
Hay’adaha u xilsaaran dib-u-eegista dastuurka oo kala ah, Guddiga Madaxabannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka, Guddiga Lasocodka Dastuurka ee Baarlamaanka iyo Wasaaradda Cadaaladda iyo Arr. Dastuurka, ayaa si wadajir ah u soo agaasimay, shirkaan latashiga Hay’adaha Dawladda Hiirshabeelle ee soojeedinta wax-kabeddelka cutubyada 5’aad ilaa 9’aad ee Dastuurka KMG. Guddiga Madaxabannaan ee Dastuurka ayaa soo bandhigay soojeedin kooban oo ku saabsan cutubyada 5aad ilaa 9aad ee Dastuurka iyo su’aalo khuseeya isla cutubyadaan. Intii kulanku socday Hay’adaha Dawladda Hiirshabeelle ayaa dhankooda soo bandhigay talo, aragtiyo iyo soojeedimo khuseeya cutubyada 5aad ilaa 9aad ee Dastuurka KMG.
Kulamada qeybaha kala duwan ee bulshada iyo Hay’adaha Dawladda Hiirshabeelle lagala tashanayo soojeedinta wax-kabeddelka cutubyada 5’aad ilaa 9’aad ee Dastuurka KMG, ayaa labadii maalmood la soo dhaafay ka socday Dowlad Gobaleedka Hiirshabeelle isla markaasana ka sii socon doona maalmaha soo aaddan.
–Dhammaad–

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close Search Window