Wararka

Baraawe , October 31, 2024 , Hay’adaha u xilsaaran Dib-u-eegista Dastuurka ee kala ah, Guddiga Madaxabannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka, Guddiga Lasocodka Dastuurka ee Baarlamaanka iyo Wasaaradda Cadaaladda iyo Arr. Dastuurka oo ay waheliso Wasaaradda Arrimaha Dastiurka Koonfur Galbeed ayaa si wadajir ah uga daahfuray, magaalada Baraawe ee Caasimada Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Shirka La-Tashiga Odeyaasha Dhaqanka ah ee ku saabsan diyaarinta Wax-kabeddelka Cutubyada 5aad – 9aad ee Dastuurka.
Odeyaasha dhaqanka Baraawe ayaa intii lagu gudajiray kulanka soo jeeddiyay aragtiyo, talo wax-ku-ool u ah dib-u-eegista Dastuurka iyo su’aalaho khuuseeya cutubyada 5aad — 9aad ee Dastuurka, kulamada La-tashiyada ee ku saabsan diyaarinta Wax-kabeddelka Cutubyada 5aad – 9aad ee Dastuurka ayaa ka sii socon doona magaalada Baraawe.
–Dhammaad–

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close Search Window