Wararka

Jowhar, Ogtoobar 23, 2024, Hay’addaha u xilsaaran dib-u-eegista dastuurka oo kala ah, Guddiga Madaxabannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka, Guddiga Lasocodka Dastuurka ee Baarlamaanka iyo Wasaaradda Cadaaladda iyo Arr. Dastuurka, ayaa si wadajir ah uga daahfuray Magaalada Caasimada  Jowhar  ee Dowlad Gobaleedka Hiirshabeelle, Shirka Latashiga Bulshada Rayidka ee soojeedinta wax-kabeddelka cutubyada 5aad ilaa 9aad ee Dastuurka.

Shirka ayaa lagu  soo bandhigay soojeedin kooban oo ku saabsan cutubyada 5aad ilaa 9aad ee Dastuurka  iyo su’aalo khuseeya isla cutubyadaan. Dhankooda Bulshada Rayidka ah Jowhar ee ka soo qeybgalay kulanka ayaa soo bandhigay, aragtiyo iyo talooyin ku aadan soojeedinta wax-kabeddelka cutubyada 5aad ilaa 9aad ee Dastuurka.

–Dhammaad–

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close Search Window