Muqdisho : 04 Diseenbar,2024; Hay’addaha u xilsaaran dib-u-eegista Dasturka oo kala ah, Guddiga Madaxabannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka, Guddiga Lasocodka Dastuurka ee Baarlamaanka iyo Wasaaradda Caddaaladda iyo Arr. Dastuurka ayaa si wadajir ah maanta uga daahfuray magaalada Muqdisho Shirka Latashiga Wajiga Labaad ee #Haweenka ee Soojeedinta Wax- ka Beddelka Cutubyada 5aad ilaa 9aad ee dib u Eegista Dastuurka.
Kulamada latashiyadaa oo maalmahan socday, ayaa waxaa bulshada Soomaaliyeed loogu soo bandhigayaa natiijooyinkii ka soo baxay latashiyadii wajiga koowaad iyo siday dadka uga qaybqaateen. Intii shirku shirku socday Haweenka ayaa soo bandhigay su’aalaha ay ka qabeen qodobada cutubyada 5aad ilaa 9aad ee dastuurka.
Guddoomiyaha Guddiga Madaxabannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dasuurka, Avv.Burhan Adan Omar ayaa si faahfaahsan uga jawaabay dhmmaan su’aalihii ay qabeen haweenka ka qeybgalayay kulanka, siddoo kale waxa uu uga mahadceliyay sidda baaxadda leh ay uga qaby-qaadanayaan latashiyada dib u eegista Dastuurka asagoo dhanka kale kulanka soo xiray.