Laasacaanood , November 10, 2024:- Hay’adaha u xilsaaran Dib-u-eegista Dastuurka ee kala ah Guddiga Madaxabannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka, Guddiga Lasocodka Dastuurka ee Baarlamaanka iyo Wasaaradda Caddaaladda iyo Arr. Dastuurka, ayaa maanta si wadajir ah u daahfuray Shirka Latashiga Culumada iyo Odeyaasha Dhaqanka SSC-Khaatumo ee ku saabsan diyaarinta Wax-kabeddelka Cutubyada 5aad – 9aad ee Dastuurka.
Culumada iyo Odeyaasha Dhaqanka SSC-Khaatumo ayaa intii shirku socday si fiican ugu dooday soojeedinta wax-kabedelka cutubyada 5aad – 9aad. Kulamada Latashiga Soojeedinta Wax-kabeddelka Cutubyada 5aad – 9aad ee Dastuurka ayaa maanta ka bilowday magaaladda Laasacaanood ee xarunta Maamulka SSC-Khaatumo, ayadoo kulamadaan sii socon doona ayaa latashiyo lala yeelan doonaa qeybaha kala duwan ee bulshada iyo Maamulka SSC-Khaatumo.