Laasacaanood, November 11, 2024 , Hay’adaha u xilsaaran Dib-u-eegista Dastuurka ee kala ah, Guddiga Madaxabannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka, Guddiga Lasocodka Dastuurka ee Baarlamaanka iyo Wasaaradda Cadaaladda iyo Arr. Dastuurka, oo ay waheliso Wasaaradda Arrimaha Dastuurka SSC-Khaatumo, ayaa
si wadajir ah uga daahfuray Magaaladda Laasacaanood ee xarunta Maanulka SSC-Khaatumo, Shirka Latashiga Dhalinyarada iyo Haween ee ku aaddan Soojeedinta Wax-kabeddelka Cutubyada 5aad – 9aad ee Dastuurka. Intii uu shirku socday ka qeybgalayaasha ayaa soo bandhigay talooyin iyo fikrado muhiim u ah cutubyada 5aad-9aad ee Dastuurka.